Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay la saxiixatay dowladda Shiinaha heshiis iskaashi oo la xiriira dhinacyada ganacsiga, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka.
Heshiiskan ayaa yimid, ka dib markii ay wafti ka socda Shiinaha oo uu hogaaminayo wakiiilka Shiinaha u qaabilsan Africa ay la kulmeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Wariyaha VOA ee Hargeysa Khadar Maxamed Cakule ayaa warkan noo soo diray.