Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Is-miidaamin ah oo lagu Qaaday Xero Ciidan


Ugu yaraan 9 qof oo 8 ka mid ah askar yihiin ayaa ku dhintay, 22 qof oo kalana waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa Sabtida maanta ah lagu weeraray, xero millatari oo u dhaw garoonka kubadda cagta Istaadium Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan millatariga ayaa warbaahinta u xaqiijiyay, in qarraxa lala eegtay xarun ay guutada 12-ka April ku lee yihiin degmada Wardhiigleey. Khasaaraha ayaa laga cabsi qabaa inuu ka bato inta hadda la xaqiijiyay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday qof is-miidaamiyay.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in gaariga uu ku qarxay illinka hore ee xerada laga galo.

Xerada weerarka lagu qaaday ayaa waxaa deganaa qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga Soomaaliyeed.

Kooxda Al Shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarraxa. Wali ma cadda in qaraxa ay waxyeello kasoo gaartay dad rayid ah iyo in kale.

Wariyaha VOA Cabduqaadir Maxamed Cabdulle ayaa wararkii ugu danbeeyey noo soo diray.

please wait

No media source currently available

0:00 0:01:52 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG