Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Joe Biden oo go'aansaday inaanu tegin shirka Milwaukee


Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa go’aansaday inaanu u safrin magaalada Milwaukee ee gobolka Wisconsin, halkaas oo qorshaha uu yahay in xisbigiisa dimuqraaddiga uu si rasmi ah ugu caleemo saaro in uu ugu matalo tartanka madaxtinnimada Mareykanka ee bisha November, sida ay sheegeen qaar ka mid ah qaban qaabiyaasha shirka.

Shirka Milwaukee ayaa la filayaa in uu qabsoomo bishan, waxana sababta uu Biden u go’aansaday in aanu ka qeyb galin shirka ay tahay xaaladda cudurka COVID-19 ee kiisaskiisa ay kusii kordhayaan Mareykanka.

Xisbiga dimoqraadiga ayaa sheegey in midna dadkii loo qorsheeyey inay ka hadlaan shirka aysan ka qeyb gali doonin, iyagoo sabab uga dhigay in laga taxaddaro caafimaadka dadka marti-galineya shirka iyo kuwa imaanaya intaba.

Caadiyan waxa shirarka noocaani ah ka qeyb gala 50 kun oo wafuud oo isugu jira siyaasiyiin, shaqaale iyo xubno warbaahinta ka socda, oo ka kala imanaya gobollada dalka Mareykanka oo dhan.

Shirka, ayaa la filayaa in uu dhaco 17-ka bishan August, waxaana uu socon doona muddo afar maalin ah.

Taa baddalkeeda, hadda waxa qorshaha uu yahay in shirka ay xubnaha uga qeyb galaan qaabka muuqaalka online-ka ah.

XS
SM
MD
LG