Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yey aheyd Dr. Xaawa Cabdi?


Xaawa Cabdi

Dawladda Soomaliya ayaa xaqiijisay inay geeriyootay Dr. Xaawa Cabdi Dhiblaawe, oo ka mid aheyd shaqsiyaadka ugu caansa Soomaaliya, laguna yaqaan howlaheeda samafalka. Dr. Xaawa Cabdi waxay ahayd 73 sano jir.

Dr. Xaawa Cabdi ayaa ah aasaasaha cisbitaalka Xaawa Cabdi isla markaana daryeeli jirtay dadka barakacayaasha ah.

Sannadkii 2012-ka ayaa loo magacaabay jaa’izadda Nobel Peace Prize. Waxay ku guulaysatay abaalmarinno badan oo caalami ah.

Dawladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeysay geerida marxuumada oo maanta ku dhimatay magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda.

Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa shaqadii Dr. Xaawa Cabdi ka waraystay Dr. Maxamed Maxamuud Fuje oo ka mid ah dhakhaatiirta rug caddaaga ah isla markaana la-taliye u ah wasaaradda caafimaadka dawladda Soomaaliya.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:45 0:00



Facebook Forum

XS
SM
MD
LG