BELEDWEYNE —
Ciidamada Booliska magaalada Baledweyne ayaa gacanta ku soo dhigay ilaa 10 qof oo lagu eedeenaayo dil argagax leh oo loo adeegsaday Baangad iyo Mindiyo oo magaalada ka dhacay.
Dilkan ayaa loo geystay nin dhalinyaro ah oo ka mid ah wadayaasha mooto bajaajka ee magaalada ka shaqeeya.
Dhacadaas iyo halka uu marayo baaritaanka Booliska ayaa waxaa Wariyaha VOA Xasan Xasan Dhaqane uu ka wareystay laba xidigle Maxamed Maxamud Rooble (Qoorsheel ), oo ah taliyaha Saldhigga Booliska Beledweyne.