Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo dib u furtay duulimaadyada caalamiga ah


Garoonka Muqdisho

Mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay rasmi ahaan furan tahay hawada Soomaaliya islamarkaana dib loo billaabayo duulimaadyadii caalamka.

Mas'uuliyiin la hadashay VOA ayaa sheegay in awada Soomaaliya ay u furan tahay diyaaradaha caalamka, iyadoo shirkadaha ugu horreeyana la filayano inay Muqdishu soo gaaraan marka ay dhammaystiraan barnaamijkooda duulimaadka.

Hawada Soomaaliya ayaa xirnayd tan iyo bartamihii bishii March, markaasi oo loo joojiyey ka hortagga faafitaanka cudurka Coronavirus.

Xayiraaddii saarnayd duulimaadyada qaadka ayaa la sheegay inay weli taagan tahay oo aan la qaadin, sida ay saraakiil u sheegeen idaacadda VOA.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in dadka dalka soo galaya laga doonayo inay haystaan shahaado caafimaad oo muujineysa inay iska baareen cudurka COVID-19, oo laga waayey.

“Socdaale kasta oo dalka soo galaya waxaa laga doonayaa in uu haysto shahaadada caddeyneysa in uusan qabin caabuqa COVID19 uuna qaatey ugu badnaan 72 saacadood ka hor safarka (COVID19 negative Certificate), sida ay fareyso siyaasadda ka hortagga Caabuqa Karoonaha ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ay hay’adda soo dhigtay barteeda facebook.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG