Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho


Muqdisho

Qarax is-miidaamin ahaa ayaa maanta ka dhacay magaaada Mqudisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in qaraxan lala beegsaday maqaayad ku taalla degmada Xamar Jabab oo lagu magacaabo Luul Yemeni.

Wararka dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in qof is-miidaamiyey uu isku qarxiyey maqaayaddaas oo ku taalla meel u dhow dekedda. Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dacay albaabka maqaayadda.

Khasaare nafeed ayaa la sheegay inuu goobta ka dhacay, waxaana la xaqiijiyey dhimashada laba qof oo ilaalo ka ahaa maqaayadda.

Qaraxan ayaa kusoo beegmay xilli qado ah oo maqaayadda ay dad badan ku sugnaayeen.

Haaruun Macruuf ayaa faahfaahinta ka waraystay af-hayeenka ciidanka booliiska Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali.

please wait

No media source currently available

0:00 0:01:50 0:00



Facebook Forum

XS
SM
MD
LG