Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub oo sidoo kalena noqonaya kii labaad ee muddo xileedka Farmaajo.
Ra’iisul Wasaarihii uu Farmaajo magacaabay markii xilka loo doortay Xasan Cali Kheyre ayaa baarlamanku ay sheegeen inay xilka ka qaadeen 25-kii July.
Magacaabista cusub ee laga filayo madaxweyne Farmaajo ayaa imaneysa ayada oo muddo xileedkiisa ay ka harsan tahay oo kaliya lix bilood.
Haddaba ra’iisul wasaare sidee ah ayaa looga fadhiyaa madaxweynaha? Muxuu madaxweynuhu ka rajeynayaa Ra’isul Wasaaraha cusub, shacabkase maxay ka filayaan Ra’isul Wasaaraha soo socda?
Falastiin Axmed Iimaan ayaa warbixintan ku eegeysa arrimahaas.
Facebook Forum