Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia oo laga beddelay hoggaanka ciidamada Amisom


Taliyaha cusub ee Amisom, Diomede Ndegeya.
Taliyaha cusub ee Amisom, Diomede Ndegeya.

Burundi ayaa Axaddii shalay hoggaanka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee Amisom kala wareegtay Ethiopia, kadib sanad iyo bar oo ay haysay, sida ay sheegtay Amisom.

Jeneral Diomede Ndegeya, oo u dhashay dalka Burundi ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna xilka taliyaha guud ee ciidamada Amisom kala wareegay Jeneral Tigabu Yilma, oo muddo xileedkiisu dhammaaday. Tigabu Yilma, oo u dhashay Ethiopia, ayaa xilka hayey tan iyo bishii January 2019.

Jeneral Ndegeya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aden Abdulle ee magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyey taliye ku-xigeenka howlgallada iyo qorsheynta ciidamada Amisom Jeneral Nakibus Lakara; taliye ku-xigeenka Loojistikada iyo taageerada Amisom Jeneral George Owinow, iyo xubno kale oo ka tirsan ciidanka Amisom.

“Waxaan u imid inaan caawiyo Afrika, inaan caawiyo Soomaaliya, inaan caawiyo walaalaheen. Waxaan horay u imid dhowr jeer, laga soo billaabo 2007 illaa 2012,” ayuu yiri Jeneraal Ndegeya oo hadal kooban jeediyey daqiiqado kadib markii uu yimid.

Ndegeya oo 57-jir ah ayaa horey ula soo shaqeeyey Amisom intii u dhaxeysay 2007 2009. Ka hor xilkan loo magacaabay, wuxuu ahaa la-taliyaha wasaaradda difaaca Burundi ee arrimaha siyaasadda iyo diblomaasiyadda.

Hoggaanka Amisom ayaa waxaa si wareegto ah u wadaaga dalalka ay ciidamadooda xubnaha ka yihiin ee Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

XS
SM
MD
LG