Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo shuruud kusoo rogtay dadka dalka soo galaya


Garoonka Muqdisho
Garoonka Muqdisho

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya ayaa shuruudo kusoo rogtay dadka soo galay dalka ee ka imanaya dibedda, kadib markii dowladda ay shaacisay in dib loo furay duulimaadyada caalamiga ah.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa 30-kii July sheegay in in dib loo furayo duulimaadyada caalamiga ah laga billaabo 3-da bisha August oo ku beegan maalinta Isniinta ah.

Qoraal ay soo saartay hay’adda socdaalka ayey ku sheegtay in dadka dalka soo galaya laga doonayo inay haystaan shahaado caafimaad oo muujineysa inay iska baareen cudurka COVID-19, oo laga waayey.

“Socdaale kasta oo dalka soo galaya waxaa laga doonayaa in uu haysto shahaadada caddeyneysa in uusan qabin caabuqa COVID19 uuna qaatey ugu badnaan 72 saacadood ka hor safarka (COVID19 negative Certificate), sida ay fareyso siyaasadda ka hortagga Caabuqa Karoonaha ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ay hay’adda soo dhigtay barteeda facebook.

Go’aankan ayaan saameyneyn oo kaliya dadka dalka kasoo galaya dhanka hawada, balse wuxuu sidoo kale saameynaya dadka kasoo galaya dhanka dhulka iyo badda.

XS
SM
MD
LG