Sida uu xaqiijiyey Mareykanka ee Africa ee AFRICOM, waxa ay duqeyn kale ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe, halkaasi oo oo ay beegsadeen saldhig ay leeyihiin kooxda Al-Shabaab.
Duqeyntaas ayey Mareykanka ku dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.
Sarkaal u hadlay taliska AFRICOM ayaa sheegay in u jeeddada ay tahay in kooxda Al-Shabaab la wiiqo awooddooda loona kala ceyriyo haddii ay damcaan inay weeraro soo abaabulaan.
Waxaa tan iyo markii uu billowdey xanuunka COVID-19 hoos u dhacay howlgallada kooxda.
Haddaba, qorshaha iyo xeeladda Mareykanka ee ah in awoodda Al-Shabaab ee Soomaaliya lagu wiiqo duqeymaha ma shaqeynayaa?
Sahra Cabdi Axmed ayaa ka wareysatey, Colonel Yuusuf Maxamud Ismaaciil Faratoon oo sarakiishii hore ee Soomaaliya ka mid ahaa, haatanna degan Mareykanka.