Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku ridday Gurbiye


Suxufiga Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah tifaftiraha idaacadda Goobjoog ayaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir ay ku xukuntay lix bilood oo xarig ah iyo shan milyan oo shilin oo ganaax ah.

Sida ay sheegeen mas'uuliyiinta idaacadda Goobjoog, maxkamadda ayaa xukunka u cuskatay xeerka ciqaabta Somaaliyeed ee 1964-tii, waxaana lagu eedeeyey inuu faafiyey warar aan run ahayn.

Goobjoog waxay sheegeen in xukunku uu la xiriiray war-tebin u saabsan maaraynta COVID-19.

Cabicasiis Gurbiye ayaa beeniyey eedaha loo jeediyey.

Ururrada u dooda xuquuqda saxafiyinta ayaa cambaareeyey xukunkaas oo ay ku timaameen mid xadgudub ku ah xorriyatu qowlka.

Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa sidii ay maxkamadeyntu maanta u dhacday iyo waxa ay xukunkaasi ka aaminsan yihiin ka wareystay Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ah xogahayaha guud ee ururka suxufiyiinta ee FESOJ.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku ridday Gurbiye
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:14 0:00


XS
SM
MD
LG