Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Adeeggii Internetka ee Muqdisho oo dib loo soo celiyey


internet

Adeeggii Internetka ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa goordhow dib loo soo celiyey kadib saacado uu maqnaaa.

Macaamiil ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay xiligan isticmaali karaan Internetka kadib 30 saacadood oo uu hawada ka maqnaa.

Maqnaanshaha Internetka ayaa saameeyey shaqadii meherado badan iyo weli adeegyada lacagaha ee ku tiirsan joogitaanka Internetka.

Siyaabo kala duwan ayaa lagu macneeyey maqnaanshaha Internetka iyadoo shrikadda Hormuud ay sheegtay inay ugu wacan tahay dabaylo riixay xargaha Internetka, halka warar kale ay sheegeen inaysan dabaylo xooggan aysan ka jirin xeebaha Soomaaliya xilliga Internetku hawada ka baxay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG