Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay ka dhigan tahay xil ka qaadista ra'iisul wasaare Kheyre?


Kheyre
Kheyre

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in baarlamanku uu kalsoonidii kala laabtay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xukuumadiisii.

Ra’iisul Wasaaraha oo isna hadlay habeenkii ayaa Sabtida ayaa sheegay inuu is-casilay si, buu yiri, uu tusaale ugu noqdo umadda Soomaaliyeed.

Dad badan ayaa la yaabey sida degdega ah ee go’aankaas uu ku yimid iyo waxa xiligan ku soo beegey, oo dowladda hada jirta uu waqtigeeda ku egyahay bisha February ee sanadka soo socda.

Xeel-dheerayaasha siyaasadda Soomaaliya la socda waxa ay qabaan in isbedelkan u danbeeyey uu keeni karo dib u dhac ku yimaada xiligii doorashada iyo sidoo kale caqabad soo wajahda heshiiskii dhawaan lagu gaarey magaalada Dhuusamareeb.

Falastiin Axmed Iiman ayaa warbixintan ku eegeysaa waxa ay ka dhigan tahay kalsooni kala laabashada Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo saameynta siyaasadeed ee ay yeelan karto arrintan.

Maxay ka dhigan tahay xil ka qaadista ra'iisul wasaare Kheyre?
please wait

No media source currently available

0:00 0:13:19 0:00


XS
SM
MD
LG