MUQDISHO —
Ururada Bulshada Rayidka ee magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horraysay ka hadlay sida ay u arkaan xil ka qaadistii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, oo baarlamanka uu kalsoonida kala laabtay Sabtidii.
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in baarlamanku uu kalsoonidii kala laabtay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xukuumadiisii.
Bulshada Rayidka waxa ay ku baaqeen wadatashi laga sameeyo soo xulista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee bedelaya Xasan Cali Kheyre.
Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixinta goor dhowayd nooga soo diray magaalada Muqdisho.