Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kheyre oo sheegay ujeed laga leeyahay xil ka qaadistiisa


Kheyre

Ra’iisuo Wasaarihii Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shalay ay xilka ka qaadeen Aqalka Hoose ee baarlamaanka ayaa sheegay inuu is-casilay, ‘si uu tusaale ugu noqdo’ umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan go’aansaday inaan anigu ummadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilkii ummadda Soomaaliyeed u hayay,” ayuu yiri Kheyre, oo sheegay inuu sidaas u sameynayo inuu ilaaliyo midnimada waddanka, iyo inuusan qayb ka noqon qalalaase iyo dib u dhac siyaasadeed, amni iyo dhaqaale.

Xasan Cali Khayre oo xalay la hadlay dadweynaha uu dhaliilay nidaamka loo maray xil ka qaadistiisa, oo uu ku qeexay mid aan sax ahayn.

Kheyre ayaa sidoo kale sheegay in tallaabada ay qaadeen Golaha Shacabka ay qeyb ka tahay arrimo uu horey uga digay oo “lagu raadinayo muddo kororsi” ay helaan hay’adaha dowladda federaalka.

Waxaa warbixintan ka diyaariyey Ibraahim Xasan Daandurey.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:45 0:00



Facebook Forum

XS
SM
MD
LG