Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Internetka oo ka go'an Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya ah


Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo degaanno kale oo dalka ka mid ah ayaa waxaa maanta ka go'an yahay adeegga internetka.

Ilo-wareedyo kala duwan oo ay la hadashay idaacadda VOA ayaa sheegaya inuu khadka internetka uu ka maqan yahay Muqdisho iyo gobollo kale oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta waddanka.

Adeegga internetka ayaa si caadi ah u shaqaynaya Puntland iyo degaanno kaleba.

Ilaa haatan ma cadda sababta ka dambaysa adeegga internetka ee maqan.

Farriin ay dirtay shirkadda Hormuud oo ah tan ugu weyn ee bixisa adeegga internetka ayey ku sheegtay inay ka cudurdaaranayso hakadka ku yimid adeegga internetka, sida lagu sheegay farriintaasi.

Goor dhoweyd ayaa haddaba shirkadda Hormuud ay sheegtay in qiimayntii hore ee ay samayso ay muujinayso dabaylo xooggan oo jira ay dhaqaajiyeen xarigga internetka keena ee badda hoosteeda mara. Waxay shirkaddu sheegtay inay ka shaqaynayso soo ceinta adeegga.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG