MUQDISHO —
Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa shalay sheegay inay xilka ka qaadeen ra’iisul wasaarihii dalka Xasan Cali Kheyre, kaasi oo saacado kadib isna sheegay inuu iscasilay.
Xilka ka qaadista Kheyre ayaa ku timid qaab jahwareer iyo buuq ah, ayada oo guddoonka Golaha Shacabka uu sheegay in hab gacan taag ah loogu cadeeyey kalsooni kala noqoshada Kheyre.
Hase yeeshee, waxaa su’aalo badan ay ka dhasheen inay sharci ahayd habka loo maray kalsooni kala noqoshada xukuumadda iyo in kale.
Haddaba Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaa sharci ahaanshaha tallaabada golaha shacabka waxa uu ka wareystay garyaqaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame oo ka howlgala xafiiska xeer ilaalinta Ohio, ahna qoraa siyaasadeed.