Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay ka Dhigan Kalsooni kala Noqoshada Ra'iisuwasaare Kheyre?


Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa maanta ku dhawaaqay in xubnaha baarlamaanku ay kalsoonidii kala noqdeen xukuumadda Ra’iisulwasaare Xassan Cali Kheyre.

Kalsooni kala noqoshada xukumadda ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dalka ay ka taagneyd dood siyaasadeed la xiriirta in doorasho ay waqtigeeda ku dhacdo iyo in sida Gudoomiyaha Guddiga madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yarey ay Baarlamaanka kal hore u sheegtay loo baahanyahay waqti dheeri ah si loo qabto doorasho.

Waxaa kale oo ay ku soo aadeysaa iyadoo dhawaan magaalada Dhuusamareeb ay ku heshiiyeen dowladda federaalka ah iyo madaxda maamul goboleedyada in doorashadu ay ku qabsoonto waqtigii loo qabtay.

Haddaba, maxay talaabadan uga dhigan tahay siyaasadda Soomaaliya? Su’aashaa iyo kuwo kale ayaa Maxamed Colaad Xassan waxa uu weydiiyay Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ah Madaxa Machadka Cilmi Baarista ee Heritage ee fadhigeesu yahay Muqdisho.

please wait

No media source currently available

0:00 0:08:41 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG