Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo oo Aqbalay Xil ka Qaadista Kheyre


Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu aqbalay go’aanka xil ka qaadista Ra’iisulwasaare Xassan Cali Kheyre ee uu maanta ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka.

“Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna,” ayuu Madaxweyne Farmaajo ku sheegay qoraalka Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu si dhaqsa ah u soo magacaabi doono ra'iisulwasaare cusub.

Ra'iisulwasaare Xasan Cali Kheyre oo ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb marka go'aankan lagu dhawaaqay ayaan wali wax war ah ka soo saarin.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa maanta ku dhawaaqay in xukuumadda Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre ay lumisay kalsoonida Golaha Shacabka, ka dib markii ay ku guul-dareysatay arrimo ay ka mid yihiin gaarsiinta dalka ee doorasho qof iyo cod ah oo la qabto 2020-2021-ka.

Qalalaasahan siyaasadeed ayaa ku soo beegmaya xilli uu dalku galay kala guur siyaasadeed iyadoo ay bilo ka harsan yihiin xil heynta xubnaha baarlamaanka.

XS
SM
MD
LG