Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay ka dhigan yihiin qodobada kasoo baxay shirka Dhuusamareeb?


Madaxda Soomaalida

Shirkii magaalada Dhuusamareeb uga socday madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa xalay lasoo geba-gebeeyey, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban sideed qodob.

Waxyaabaha ee madaxda ay isku raaceen ayaa waxaa ugu weyn inay isla meel dhigeen inay dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsan yahay.

Si kastaba, Madaxda ayaan ka heshiin arrinta ugu weyn ee ay isku hayeen oo ah nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa, balse waxay go’aamiyeen in la magacaabo guddi arrintan kasoo shaqeeya.

Haddaba, maxay ka dhigan yihiin qodobada war-murtiyeedka kasoo baxay shirkaasi? Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaa su’aashaas weydiiyey Cabddulqaadir Cabdi Xaashi oo soo noqdey wasiirkii waxbarashada Soomaaliya.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:27 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG