Isku xirrada

War Deg-Deg ah

War-murtiyeed kasoo baxay shirka Dhuusamareeb


Madaxda Soomaalida
Madaxda Soomaalida

Shirkii magaalada Dhuusamareeb uga socday madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa caawa lasoo geba-gebeeyey, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban sideed qodob.

Waxyaabaha ee madaxda ay isku raaceen ayaa waxaa ugu weyn inay isla meel dhigeen inay dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsan yahay.

Waxay sidoo kale Madaxdu ku heshiiyeen in la sameeyo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Guddigaas oo ka soo baaraandagi doona talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Sida ku cad qoraalka, waxaa sidoo kale la isla gartay in shirka labaad la isugu yimaaddo Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug muddo labo toddobaad gudahood ah si loo dhammeystiro geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Madaxda ayaan ka heshiin arrinta ugu weyn ee ay isku hayeen oo ah nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare.

XS
SM
MD
LG