HARGEYSA —
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hor-yimid ciidanka la qorsheynayo in loo sameeyo dalalka kulaala Badda Cas, haddii aan Somaliland lagala tashan ama aanay qeyb ka ahayn.
Muuse Biixi ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu shalay ka jeediyey xiritaanka tababar loo dhameeyey qaar ka mid ah ciidamada booliska iyo militariga Somaliland.
Warbixintan waxaa Hargeysa kasoo diray Khadar Maxamed Cakulle.