Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeyn iyo dagaal xigay oo ka dhacay gobolka Bari


Ciidamo ka tirsan Puntland oo ku sugan gobolka Bari
Ciidamo ka tirsan Puntland oo ku sugan gobolka Bari

Wararka ka imanaya Bariga Punyland ayaa sheegaya in saaka dagaal uu ka dhacay degaan u dhow degmada Iskushuban oo ka tirsan gobolka Bari.

Dagaalka ayaa ka dhacay goob lagu magacaabo Ceelka Il oo hoos yimaada tuulada Timirshe.

Wararka aynu ka helayno dadka degaanka ayaa soo sheegaya duqayn dhacday, iyo dagaal ka dambeeyey.

Wararka ay heshay idaacadda VOA waxay sidoo kale sheegayaan in ciidamada amniga ee Puntland ay weerareen goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Daacish.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay la xiriirtay VOA ayaa xaqiijiyey weerarkaasi, waxayna sheegeen inaysan xiligan faahfaahin intaas dheer ka bixin karin dagaalka.

XS
SM
MD
LG