Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muxuu yahay muranka u dhaxeeya Villa Somalia iyo Bulshada Rayidka?


Kulanka Farmaajo iyo Bulshada Rayidka
Kulanka Farmaajo iyo Bulshada Rayidka

Ururada bulshada rayidka ah oo ka kala yimid gobollada Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb iyagoo halkaasi ka wada kulamo ay la qaadanayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Kulan dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubnaha bulshada rayidka ah ka dib ayaa qoraal ka soo baxay madaxtooyada waxaa lagu sheegay in ururada bulshada rayidku ay taageersan yihiin doorasho qof iyo cod ah in ay Soomaaliya ka dhacdo.

Madax ka tirsan xubnihii bulshada rayidka mataleysay ee shirkan ka qeybgashay ayaase beeniyey arrintaas, waxayna sheegeen inaysan jirin hab doorasho oo ay sheegeen inay si gaar ah u doorbidayaan.

Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa warbixintan nooga diyaariyey.

Muxuu yahay muranka u dhaxeeya Villa Somalia iyo Bulshada Rayidka?
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:21 0:00


XS
SM
MD
LG