Isku xirrada

War Deg-Deg ah

45 isbitaal oo ku yaalla Florida oo sheegay inaysan haysan sariiro


45 isbitaal oo ku yaalla gobolka koonfurta Mareykanka ku yaalla ee Florida ayaa Isniinta maanta ah soo wariyey in aysan haysan sariiraha qeybta gurmadka degdega oo diyaar ah xilli ay sii kordhayaan kiisaska dadka uu soo ridanayo cudurka COVID-19 taasi oo caqabad ku noqotay xarumaha caafimaadka.

Florida ayaa Axaddii shalay soo wariyey in ka badan 12,000 kiisas cusub ah, taasi oo ah maalintii shanaad oo xiriir ah oo uu gobolku soo wariyay kiisas ka badan 10,000.

Koontiga Miami ayuu COVID-19 si aad ah ugu dhuftay, iyadoo sagaal ka mid ah 45-ka isbitaal ee culeyska weyn soo wajahay ay ku yaalaan Koontiga Miami-Dade.

Francis Suarez, oo ah duqa magaalada Miami, ayaa soo rogay ganaaxyo adag laga bilaabo maalinta Isniinta, iyadoo qof kasta oo aan maaskarada wajiga lagu xirto ku xiran goobaha dadweynaha la ganaaxayo lacag ka bilaabanaysa $ 50 ilaa $ 500

XS
SM
MD
LG