Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax askari lagu dilay oo ka dhacay Buur Hakaba


Qarax miino oo ahaa nooca dhulka la dhigo ayaa maanta ka dhacay suuqa xoolaha degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay.

Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay askar ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku sugnaa suuqa.

Goobjoogayaal Buur Hakaba ku sugan ayaa VOA u xaqiijiyey in qaraxa uu ku geeriyooday hal askari iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen laba askari.

Ilaa iyo hadda ma cadda cidda sida rasmiga ah ugu dambeysay qaraxa hase yeeshee ciidanka Buur Hakaba ayaa hawgallo ka sameeyay agagaarka goobta qaraxa uu ka dhacay, mana jiraan wax faah-faahin oo ay ka bixiyeen qaraxa iyo inay jiraan cid loo soo qabtay qaraxa.

Dhowr jeer oo horey ayaa qaraxyo miino oo ah nooca dhulka lagu aaso ay ka dhaceen gudaha degmada Buur Hakaba.

XS
SM
MD
LG