Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin hubeysan oo dad ku dilay xarun ku taalla Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku geeriyootay 8 kalana wey ku dhaawacmeen kadib markii nin ku hubeysan qori AK-47 uu rasaas ku furay guri lagu tumo Mingiska oo ku yaalla degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

Dadkan goobta ku geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa ahaa dadkii ka shaqeynayey xarunta Mingiska iyo dad kale oo halkaas u tagay arrimo la xiriira Minigiska.

Wararka ayaa sheegaya in ninkii dilka gaystay uu goobta ka baxsaday, mana cadda illaa iyo hadda sababta uu u weeraray xaruntan.

Dadka dhaawaca soo gaaray ayaa loo qaaday isbitaallada magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray daqiiqda kadib markuu shilku dhacay ayaa sheegay in ay ku raad joogaan soo qabashada ninkii falkan ka dambeeyey, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababaha dhabta ah ee ku xanbaaray inuu rasaasta ku furo goobta Minigiska lagu tumayey.

XS
SM
MD
LG