Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dr. Fuje oo faah-faahiyey go'aan kasoo baxay dowladda


Dr. Fuje
Dr. Fuje

Waasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Soomaaliya ayaa 16-kii bishan soo saartay amar ay ku sheegayso in shahaadada safarka ee la xiriirta baarista COVID-19 ee dadka dhoofaya ay ka qaadan karaan oo keliya shaybaarka qaranka ee Muqdisho.

Qoraalka ayaa ayaa intaas ku daray in wixii intaas kasoo hara wasaaradda caafimaadka ay u aqoonsan tahay waxba kama jiraan.

Dhinaca kalena, warar madax bannaan oo ay heshay idaacadda VOA ayaa sheegaya in warqaddaas kasoo baxday wasaaradda caafimaadka ay ka dambaysay kadib markii nin wata shahaado ay ku qoran tahay in laga helay cudurka COVID-19 uu 15-kii bishan ka degay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Ninkaas ayaa kadib markii lagu baaray Dubai laga waayey cudurka, kadibna la sii daayey.

Dawladda Soomaaliya ayaa weli baaraysa sida ninkaasi ku helay shahaado ah inuu qabo cudurka COVID-19, iyo halka laga bixiyey.

Sidoo kale warar madax bannaan oo ay heshay VOA waxay sheegayaan in diyaaraddii uu raacay ninkaas oo ahayd Daallo Airines laba toddobaad laga mamnuucay dalka Imaaraadka Carabta.

Haddaba faah-faahinta warqadda kasoo baxday dowladda ayaa Haaruun Macruuf waxa uu ka waraystay Dr. Maxamed Maxamuud Fuje oo ka mid ah Guddiga Sare ee Qaranka ee la dagaalanka cudurka Covid19, islamarkaana la taliye u ah Wasaaradda Caafimaadka.

Dr. Fuje oo faah-faahiyey go'aan kasoo baxay dowladda
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:51 0:00


XS
SM
MD
LG