Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa laga filayaa shirka ka dhacaya Dhuusamareeb?


Madaxda Maamul Goboleedyada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, halkaasi oo uu ka furmayo shir ay yeelanayaan madaxda dowladda iyo madax goboleedyada.

Shirkan ayaa la filayaa in looga hadlo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan, oo weli aan laga gaarin heshiis siyaasadeed, la iskuna khilaafsan yahay nooc ay noqon doonaan.

Qodobka ugu weyn ee la filayo in shirka looga hadlo ayaa ah haddii dalka laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah ama doorasho dadban.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey shirkan iyo inay kasoo baxaan arrimo xal u noqon karo khliaafyada siyaasadeed ee dalka, sida uu kusoo warramay weriyaha VOA Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:54 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG