Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Dhuusamareeb


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug oo uu galabta gaaray. Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey ra’iisulwasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu shir wadatashi ah oo ku saabsan doorasho soo socota ee Soomaaliya halkaasi uga furmo.

Shirkan ayaa ah wajiga labaad ee shir wadatashi ah oo ka dhacay isla Dhuusamareeb ayna yeesheen madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed ee kala ah Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Shirka madaxda dowlad-goboleedyada ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in doorasho qof iyo cod ah aysan xilligan ka dhici karin dalka, loona baahan yahay in hannaaan kale laga wada-tashado.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa in madaxda maamul goboleedyada ay sii wadaan wadatashigooda, iyo in dowladu timaado madasha Dhuusamareeb, si ay arrimaha dalka looga wada arrinsado, gaar ahaan arrimaha doorashada.

XS
SM
MD
LG