Soomaaliya ayaa maanta waxaa imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiga sare u fariistay ku dhowaad 35 kun oo arday oo dhameystay waxbarashada dugsiga sare.
Imtixaankan ayaa waxaa qaadaya wasaaradda waxbarashada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, isaga oo ka dhici doona 112 xarumood oo ku kala yaalla gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.
Warbixintan waxaa Muqdish ka soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.
Facebook Forum