Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan Abshir oo maanta lagu aasay magaalada Garoowe


Aaska Xasan Abshir Faarax
Aaska Xasan Abshir Faarax

Waxaa galabta magaalada Garowe aas qaran loogu sameeyay rabbi ha u naxariistee Ra’isul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Xassan Abshir Faarax.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb galay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo madaxda maamul goboleedyada dalka, oo dhammaantood ka tegay magaalada Dhuusamareeb oo ay shirk u lahaayeen.

Meydka Xassan Abshir oo xilal kala duwan ka soo qabtey Soomaaliya ayaa ka hor inta aan la geyn Garowe waxaa la soo marsiiyay magaalada Muqdisho, halkaas oo salaadda Janaasadda ay ku tukadeen Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, xildhibaano, wasiiro iyo mas’uuliyiin kale.

Warbixintan waxaa Garowe ka soo diray Nuux Muuse Birjeeb.

Xasan Abshir oo maanta lagu aasay magaalada Garoowe
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:05 0:00


XS
SM
MD
LG