Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo iyo xildhibaano ku kulmay Muqdisho


Farmaajo
Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo taageersan go’aan uu shalay gudoomiyaha Golaha Shacabka kaga hor-yimid doorasho dadban oo Soomaaliya ka dhacda, ayaa xalay ku kulmay Muqdisho.

Mursal ayaa si gaar ah u diiday qodobkii ku saabsanaa doorashada, oo madax goboleedyada ay ku sheegen inaysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna sheegay in go’aanka doorashada uu yahay mid u yaalla Golaha Shacabka.

Xildhibaanada xalay la kulmay madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay doonayaan inay dhacdo doorasho qof iyo cod ah, taasi oo ah fikir la rumeysan yahay in sidoo kale madaxtooyada ay la qabto.

Wariyaha VOA-da Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan Muqdisho ka soo dirtay.

Madaxweyne Farmaajo iyo xildhibaano ku kulmay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:57 0:00


XS
SM
MD
LG