MUQDISHO —
Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ee ku shirayey magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inaysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah oo lagu qabto waqtigii loogu talogalay.
War-murtiyeed ay soo saareen ayay madaxdu kusoo jeediyeen in laga wada-hadlo siyaabaha kale ee doorasho ku qabsoomi karto.
Haddaba taasi maxay uga dhigan tahay guddiga qaran ee madaxa-bannaan ee dooarshooyinka oo shaqadiisu ahayd qabashada doorasho qof iyo cod ah?
Su’aalahan ayaa Haaruun Macruuf uu weydiiyey Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xaliimo Ismaaciil Ibraahim “Xaliimo Yare”.
Facebook Forum