Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kheyre oo ku biiray shirka Dhuusamareeb ee dowlad goboleedyada


Kheyre
Kheyre

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa goor dhowayd ka degay magaalada Dhuusamareb ee xarunta Galmudug, si uu ugu biiro shirka madaxda maamul goboleedyada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa horey u sheegay inuu doonayo inay doorashadu ku dhacdo waqtigeeda.

Ma cadda ilaa hadda in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isna tegi doono Dhuusamareb sidii ay horey martiaaadka ugu fidiyeen madaxda maamul goboleedyada.

War-murtiyeed kasoo baxay shir ay madaxda maamul goboleedyada ay halkaas ku yeesheen ayaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka looga codsaday inay kusoo biiraan.

Madaxda maamul goboleedyada dalka waxay sidoo kale sheegeen inaysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, taasi oo ka duwan habka doorasho ee uu ka shaqeynayo guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaran.

Dhinacyada ayaa la filayaa inay heshiis uga gaaraan habka doorasho ee dalka laga hirgelin karo.

XS
SM
MD
LG