Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weriye Gurbiye oo mar kale maxkamad lasoo taagay


Cabdicasiis Gurbiye
Cabdicasiis Gurbiye

Suxufiga Cabdicasiis Axmed Gurbiye, oo tifaftire ka ah warbaahinta Goobjoog, ayaa maanta mar kale horyimid maxkamadda Gobolka Banaadir.

Maxkamadda ayaa go’aamisay inay dacwaddaasi qaadi karto taasi oo ay horey uga horyimaadeen qareennada u doodya weriyahaya.

Cabdicasiis Gurbiye oo horey loogu xiray caasimadda ayaa banaanka ku jooga damiin, waxaana uu wajahayaa eedo la xiriiro qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook.

Hay’adda u doodad xuquuqda aadanaha Human Rights Watch ayaa toddobaadkii tegay warbixin ay soo saartay waxay ku tilmaantay eedaha ka dhanka Cabdicasiis Gurbiye kuwo aan dal lahayn.

Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan noo soo diray.

Weriye Gurbiye oo mar kale maxkamad lasoo taagay
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:11 0:00


XS
SM
MD
LG