Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shaqaalihii la socday diyaarad ku burburtay Beledweyne oo badbaaday


Burburka Diyaaradda Beledweyne
Burburka Diyaaradda Beledweyne

Shaqaalihii la socday diyaarad xamuul sidday oo maanta ku burburtay garoonka diyaaraha ee magaalada Beledweyne ayaa dhammaan badbaaday.

Sida ay xog ku heshay idaacadda VOA, diyaaraddaasi waxaa dab qabsaday kadib markii ay soo degtay.

Ilaa haatan ma cadda waxa sababay shilkaasi, hase yeshee warar hordhaca ah ayaa u sheegay idaacadda VOA in diyaaradda ay baalka ku dhufatay carro loogu talgalay dhismaha garoonka magaalada, taasi oo weli mas’uuliyinta garoonka aysan si rasmi ah u xaqiijin.

Warar kale ayaa sheegaya in diyaaraddu ay ahayd diyaarad weyn, ayna ka baxday dhabbaha diyaaradaha soo caga-dhigtaan

Diyaaraddan ayaa la sheegay inay ahayd nooca xamuulka qaada, kana diiwaangashan dalka Kenya. Shirkadda diyaaradaha iska leh ayaa lagu magacaabaa Blue Bird Aviation, waxaana la sheegay inay saad u sidday ciidamada AMISOM.

XS
SM
MD
LG