Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad shil ku gashay garoonka Beledweyne


Beledweyne
Beledweyne

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in diyaarad soo degaysay garoonka magaalada Beledweyne ay shil gashay.

Ilaa haatan ma cadda waxa sababay shilkaasi, hase yeshee warar hordhaca ah ayaa u sheegay idaacadda VOA in diyaaradda ay baalka ku dhufatay carro loogu talgalay dhismaha garoonka magaalada.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay ka baxday dhabbaha kadibna uu dab qabsaday.

Saddex qof oo la socday diyaaradda ayaa la sheegay inay badbaadeen.

Diyaaraddan ayaa la sheegay inay ahayd nooca xamuulka qaada.

Faahfaahin dheeraad ah waan idiin soo gudbin doonaa, Insha Allah

XS
SM
MD
LG