Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qarax ka badbaaday


Jeneral Odowaa

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax uu goor dhowayd ka dhacay magaalada.

Wararka hordhaca ah ee aanu helany ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ahaa mid uu waday qof isa soo miidaamiyey lalana beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil ka tirsan milaariga.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa idaacadda VOA u sheegay in kolonyada uu la socday taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo ka badbaaday werarkaasi.

Goobjooge ayaa idaacadda VOA u sheegay in taliyuhu uu nabadqabo.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu khasaare gaarsiiyey gaari ay la socdeen ciidamo ilaalo u ahaa taliyaha ciidnaka xoogga.

Taliyaha ayaa xilliga uu weerarku dhacay ka hor waxa uu kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga, waxaaa uu ku socday qayb kal eoo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan Muqdisho kasoo diray.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:35 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG