Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay ka dhigan yihiin qodobada kasoo baxay shirka dowlad goboleedyada?


Madaxda Maamul Goboleedyada

Waxaa xaley la soo gabgabeeyey kulan ay madaxda maamul goboleedyada dalka ku lahaayeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in doorasho qof iyo cod ah aysan xilligan ka dhici karin dalka, loona baahan yahay in hanaan kale laga wada-tasho.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa in madaxda maamul goboleedyada ay sii wadaan wadatashigooda, iyo in dowladu timaado madasha Dhuusamareeb, si ay arrimaha dalka uga wadatashadaan, gaar ahaan arrimaha doorashada.

Haddaba maxay qodobada kulanka Dhuusamareeb ka dhigan yihiin maxayse ka beddelayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada?

Falastiin Axmed Iiman ayaa ka wareysatey Mursal Saney oo ka tirsan Machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage, ugu horeyna waxa ay weydiisey sida uu u arko war-murtiyeedkan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:14 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG