Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska Mudug oo lagu eedeeyey shaqaaqo ka dhacday Gaalkacyo


Iska horimaad dhexmaray ciidamada booliska iyo malayshiyo hubeysan ayaa shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Xildhibaan Cabdiweli Yuusuf Warsame Indhaceel oo ka tirsan xildhibaannada Puntland ee Gaalkacyo laga doorto oo la hadlay VOA ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo sidii ay shaqaaqadaasi u dhacday isaga oo ku eedeeyey ciidamada booliska in ay awood badan u isticmaaleen howlgalkan ay samaynayeen.

Dhanka kale, VOA ayaa la xiriirtay Taliska booliiska ee Gobolka Mudug balse waxay sheegeen inaysan ka hadlaynin dhacdadaas ilaa baaritaanka laga dhammaystirayo.

Haddaba Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa khadka telfoonka ee Gaalkacyo kula xiriiray xildhibaanka ugu horreyna waxan weydiiyay sida ay wax u dheceen?

Booliska Mudug oo lagu eedeeyey shaqaaqo ka dhacday Gaalkacyo
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:28 0:00


XS
SM
MD
LG