Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kaalinta Gabdhaha Baanbeyda ee Ciidamada Booliska Soomaaliya


Sanadihii ugu dembeeyay Soomaaliya waxaa ay ku jirtay dib u kabasho, waxaana dib u soo noqonayay qaar ka mid ah hay'adihii uu dalku lahaa.

Ciidamada booliska, gaar ahaan qeybta baambeyda ayaa waxa ay qeyb ka yihiin meelaha laga dareemayo dib u kabashadaasi, waxaana sanadihii dambe la arkayay dhalinyaro rag iyo dumarba leh oo garaacaya muusiggii ciidamadaasi ay caanka ku ahaayeen.

Munaasabadihii u dambeeyay ee loogu dabaal-degayay maalmaha xoriyadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu dhex arkayay kooxda Baandada Qaranka gabdho da’yar oo garaacayay muusigga.

Wariyaha VOA Cabdicasiis Barrow ayaa warbixintaan ku eegaya kaalinta gabdhahan ay ku leeyihiin shaqada ciidamada booliska.

Kaalinta gabdhaha ciidamada booliska ee baanbeyda
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:49 0:00


XS
SM
MD
LG