Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Khasaare Geystay oo ka Dhacay Gaalkacyo


Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof oo midi tahay dumar ay ku dhinteen lix kalena ay ku dhaawacmeen dagaal xalay iyo saakay magaalada ku dhex maray ciidamada Puntland iyo maleeyshiye beeleed.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ay saakay weerar ku qaadeen xarunta Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo.

Maleyshiyada hubeysan ayaa la sheegay in ay ka amar qaataan rag ka ganacsada khamriga.

Dadka ku dhintay dagaalka waxaa ku jira, nabadoon Burhaan Axmed oo ka mid ah waxgaradka gobolka Mudug, oo isbitalka ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray.

Marka laga soo tago dhimashada, dagaalka saakay waxaa uu qasaare ka soo gaaray goobo ganacsi oo uu dab qabsaday.

Waxaa magaalada ka socda dadaalo xaaladda lagu dejinayo oo ay wadaan masuuliyiinta iyo wax garadka magaalada Gaalkacyo dhinaceeda waqooyi.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa haatan deggan.

Haddaba, wararkii ugu danbeeyey ee dagaalka Gaalkacyo waxaa warbixintan ku eegaya Cabdiwaaxid Macallin Isaaq.

Dagaal ka dhacay Gaalkacyo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:57 0:00


XS
SM
MD
LG