Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fiqi oo faah-faahiyey sida uu ku yimid shirka Dhuusamareeb


Axmed Macallin Fiqi
Axmed Macallin Fiqi

Magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug waxaa ku sugan madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya, halkaasi oo ay ku yeelanayaan shirka ku saabsan xaaladaa siyaasadeed ee dalka.

Waxaa magaalada laga saaray ciidamada lagu magacaabo Haramcad oo horey halkaasi usii joogay, waxaana la sheegayaa in tallaabadaasi lagu dhaqaaqay markii qaar ka tirsan madaxda maamulladu ay ka qeybgalkooda shirka Galmudug shardi kaga dhigeen in ciiamadaasi magaalada iyo guud ahaanba maamulka laga saaro.

Go’aannada la filayo inay shirkaas kasoo baxaan ayaa waxaa ka mid kuwa la xiriira doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan oo weli aysan isku raacin dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Haddaba si aynu in badan uga ogaanno, sida shirkan uu ku yimid, jawiga ammaan iyo midka nabad-gelyo ee uu shirkaasi ku qabsoomayo ayaan Khadka ku wareystay wasiirka Amniga Dowlad-gobleedka Galmudug Axmed Macallin Fiqi. Jacfar Kuukaay ayaa wareystay.

Fiqi oo faah-faahiyey sida uu ku yimid shirka Dhuusamareeb
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:59 0:00

XS
SM
MD
LG