Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaare Kheyre oo ka horyimid muddo kordhin


Kheyre
Kheyre

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si cad maanta uga horyimid in dowladda hadda jirta muddo kordhin loo sameeyo, wuxuuna dalbaday in doorashada ay waqtigeeda ku dhacday.

Kheyre oo maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay doorashada 2020-2021, ayaa sheegay inay muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.

"Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur", ayuu yiri Kheyre.

Wuxuu sii kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku dhacdo jawi midnimo iyo wadatashi ku saleysan, si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa imanaya ayada oo dhowaan guddiga doorashooyinka qaran ay sheegeen inaysan doorashada ku qabin karin waqtigii loogu talo-galay. Ma cadda waxa xigi doona hadalka Kheyre.

XS
SM
MD
LG