DHUUSOMAREEB —
Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul Goboleedka Galmudug waxaa maanta gaaray inta badan wufuuddii madaxda dowlad goboleedyada oo qorshuhu yahay in halkaas uu shir uga furmo.
Kuulankan ayaa ka dhashay wada hadal dhinaca taleefanka ah oo maalmo ka hor ay yeesheen madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.
Shirkan ayey madaxdu ku tulmaameen mid deg deg ah oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorasooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan, oo weli aysan isku raacin dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Wariyaha VOA-da uga soo warrama Gobolka Cabdiwaaxid Macalin Isaaq ayaa qeybaha bulshada ee magaalada weydiiyay aragtidooda ku aadan shirka, warbixintan ayuuna nooga soo diray Dhuusamareeb.