DHUUSOMAREEB —
Diyaar garow xooggan ayaa ka socda magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug, kaasi oo loogu jiro shirka madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ee berri halkaas ka furmaya.
Ammaanka magaalada ayaa la xoojiyay waxaana ku qulqulayay magaalada wufuuda iyo ilaalada madaxda halkaasi tageysa.
Madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa halkaas gaaray maanta, waxaana la filayaa in sidoo kale ay gaaraan madaxda kale ee maamul goboleedyada dalka.
Maxamed Colaad Xassan ayaa arrintan ka wareystay wariye Cabdullahi Warsame oo la shaqeeya Telefishin maxalli ah iyo Raadiyada Ciidamada ee dowladda Soomaaliya.