Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Askari dilay qof shacab ahaa oo dil lagu xukumay


Askari ka tirsan ciidamada booliiska ayaa maanta maxkamadda milatariga ay ku xukuntay dil toogasho ah. Askarigan ayaa lagu magacaabaa Nuur Daahir Geeddi, waana 29 sano jir. Marxuumka u dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cuamr Xasan Macalin.

Dacwad oogista ayaa askariga kusoo oogtay eed ah inuu si kas ah u toogtay nin oday ah oo waddada dhinaceeda ku gacansanayey isla markaana ibinayey siggaar 16-kii Juun ee aynu soo dhaafnay.

Dilka ayaa dacay kadib muran ka dhashay lacag jeexan oo ninka booliiska ah uu isku dayey inuu sigaar kaga iibsado marxuumka oo ka mid ahaa ganacsaada jidadka wax ku iibiya.

Maxkamadda milatariga ayaa sheegtay in xukunkaas racfaan laga qaadan karo.

Warbixintan waxaa diyaariyey Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:53 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG