Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laba askari oo lagu dilay qarax maanta ka dhacay Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Laba askari oo ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa maanta ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa ka dhacay degmada Hodan, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.

Askarta la bartilmaameedsaday ayaa la sheegay inay la socdeen baabuur markii qaraxu dhacay.

Qarax maanta ayaa yimid afar maalmood kadib markii qarax ismiidaamin ah uu Sabtidii uu ka dhacay agagaarka dekedda weyn ee magaalada, qaraxaas oo sidoo kale loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey.

Seynab Abaukar ayaa warbixintan kasoo dirtay Muqdisho.

Laba askari oo lagu dilay qarax maanta ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:45 0:00

XS
SM
MD
LG